Murtad Shariif Sheikh Axmed oo ah madaxii hore ee kooxda Ridada Somalia, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku cambaareeyay weeraro ciidamo ka tirsan murtadiinta ku qaadeen siyaasiyiin mucaarad ah iyo masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Koonfur-galbeed.
Shariif murtad ayaa sheegay in maleeshiyo murtadiin ah ay weerareen goob uu ka socday shir ay isugu yimaadeen masuuliyiinta ilaa 5 xisbi siyaasadeed oo ka tirsan Riddada, kuwaas oo uu sheegay inay ka arrinsanayeen sidii ay u midoobi lahaayeen.
Wuxuu sheegay in maleeshiyada kooxda Riddada Somalia ay xoog ku galeen goobta, awoodna ku joojiyeen shirkaasi, kalana eryeen siyaasiyiinta halkaas ku shirsanayd.
Sidoo kale murtad Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay weerar askar ka tirsan murtadiinta ay ku qaadeen guddoomiyaha maamulka ashahaada la dirirka Koonfur-galbeed ugu magacaaban degaanka Jaziira, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan laba xubnood, sidoo kalena ku dhaawaceen kuwa kale.
Shariif murtad ayaa dhanka kale cambaareeyay go’aanka kooxda Riddada ee lagu joojiyay ganacsiga suuqa ugu wayn Somalia ee Bakaaraha, kadib markii kooxda Gurguurte ay shacabka caasimdda kusoo rogtay lacago xad-dhaaf ah oo baad ah, taasi oo keentay in ugu dambayn ay ganacsatadu albaabada u laabaan goobahooda ganacsiga.
Shirka jaraa’id ee uu maanta qabtay murtad Shariif Sh Axmed, ayaa kusoo beegmaya xilli maleeshiyaadka kooxda Riddada ay billaabeen inay fuliyaan amar uu bixiyay murtad Xassan Gurguurte bishii September 2024-kii, kaasi oo ah inay weerari karaan goobaha ay abaabulka ka wadaan siyaasiyiinta mucaaradka ah.