Shariif murtad oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah kooxda uu hoggaamiyo murtad Xassan Gurguurte, ayaa si wayn uga hor-yimid amar dhowaan kasoo baxay booliska dowladda Riddada, kaasi oo dhigayay in mucaaradka hub ka dhigis lagu sameeyo.
Isagoo ka hadlayay magaalada caasimadda ee Muqdisho ayuu Shariif murtad ka dhawaajiyay inay ogyihiin qorshaha laga leeyahay hub ka dhigista kooxda Riddadu qorsheysay in lagu sameeyo siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo sidoo sheegay in hub ka dhigista ay ka horrayso in laga heshiisyo siyaasadaha ay isku hayaan madaxda Riddada iyo xubnaha mucaaradka ah.
Wuxuu tilmaamay in hub ka dhigis aysan ka dhaqan geli doonin magaalada Muqdisho intaba madaxda murtadiinta lagu wardiyaynayo hubka culus, sidoo kalena ay wataan gaadiidka aanu xabadda karin.
Madaxda Villa Somalia iyo maleeshiyadoodu ayuu ugu baaqay inaysan kusoo deg degin hubka dhigista mucaaradka, isaga oo sheegay inay diyaar u yihiin inay iska caabiyaan maleeshiyaadka daacadda u ah Xassan Gurguurte.
Dhowaan ayay ahayd markii booliska kooxda Riddada uu soo saaray amar xubnaha mucaaradka ah loogu mamnuucay inay Muqdisho ku dhex qaataan hubka culus ee sida daran-dooriga u dhaca, taasi oo uu si wayn u diiday Shariif murtad.