Qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Doolow ee gobolka Gedo, ayaa sheegay in dhibaato xooggan ay ku qabaan go’aanka ka dhanka ah dadka rayidka ah ee lagu xayiray duulimaadyadii garoonka magaaladaasi.
Waxay sheegeen in saacadihii lasoo dhaafay uu magaaladaasi ku dhintay mid ka mid ah dadka deegaanka oo xaaladdiisa wax looga qaban waayay degmada Doolow, haddii dibad ama caasimadda Muqdisho loo qaadi lahaana uu saameyn ku yeeshay xirnaashaha garoonka.
Kooxda Riddada ah ayay ku eedeeyeen in dagaalkeeda ka dhanka ah Axmed Madoobe ay usoo rartay Doolow, taasi oo keentay inay saamayn wayn ku yeelato dadka rayidka ah.
Qaar ka mid ah dadka shacabka ee warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in garoonkan oo xiran muddo ka badan 40 bari uu sababay in dadka magaalada ee xanuunadu soo riteen caafimaad ahaan loogu qaado waddamada Kenya iyo Itoobiya, masaafo dheerna loo jaro, taasi oo keenta in mararka qaar ay gaari waayaan goobihii loogu talagalay, sidaas na ku nafbaxaan.
Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya kooxda Ridada Soomaaliya iyo maamul goboleedka ashahaada la dirirka Jubbaland, ayaa saamayn ku yeeshay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaammada uu maamulka Axmed Madoobe ka arrimiyo , waxayna kooxda Ridada ah xirtay garoomada diyaaradaha qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo iyo Jubbada hoose, wallow markii dambe ay fasaxday qaar ka mid ah halka qaar kalena ay wali u xiranyihiin.