Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobalka Wajeer oo qeyb ka ah dhulka dowlada Kenya ay xooga kaga heysato Soomaaliya.
Howlgalka oo ah dagaal culus waxey ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen saldhiga ciidamada Saliibiyiinta Kenya ee degmada Qorof Xaraar ee gobalka Wajeer, Waxaa halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan iney jirto khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo askarta saliibiyiinta Kenya lagu gaarsiiyay dagaalkaas xalay ka dhacay degmada Qorof Xaraar ee gobalka Wajeer.
Dhanka kale guutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhiga ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen gudaha garoonka diyaaradaha degmada Baardheere ee gobalka Gedo.
Goob-joogayaal ku dhaqan degmada Baardheere ayaa xaqiijiyay in markii madaafiicda ku dhaceen gudaha saldhiga in holac iyo uura madow is qabsadeen saldhiga taasi oo muujineysa iney jirto khasaara xoogan oo Xabashida Itoobiya kasoo gaartay duqeyntaas.
Calamada.com