Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen deegaanka Warmaxan oo ka tirsan Wilaayada Shabeelada hoose.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Warmaxan, Waxeyna Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Sarkaal iyo askari ka tirsan dowlada Ridada ayey Mujaahidiintu ku qabteen Warmaxan waxaana labada xubnood ee Mujaahidiintu nolasha ku qabteen lagu kala magacaabaa.
1-Xidigle taliye koox Mukhtaar ciire maalin oo ku magac dheer caga jabeey.
2-Maxamed Cali Dhaaleey oo ah askari ka tirsan ciidanka federaalka.
Dhanka kale ciidamada Mujaahidiintu waxey weerar culus ku qaadeen fariisin iyo isbaaro askarta Ridada ay dhigteen tuulada Tabeelaha ee duleedka degmada Wallanweyn, Waxey Mujaahidiintu weerarkaas ku dileen Shan askari oo Murtadiin ah.
Inta howlgalka uu socday waxey Mujaahidiintu ku gubeen Labo gaari iyagoona soo ganiimeystay hub iyo agabyo kala duwan.
Calamada.com