Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo bandhigtay tiro askar ah oo kasoo goostay maamulka Ashahaado la dirirka Axmed Madoobe ee fadhiitka ku ah magaalada Kismaayo.
Askarta lasoo bandhigay ayaa ah afar askari kuwaasi oo saddex ka mid ah ay kasoo goosteen maamulka Axmed Madoobe halka midka afaraad oo ka yimid dhanka degmada Diinsoor ee gobalka Baay uu kasoo goostay maamulka Shariif Sakiin.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay wareysi ay la yeelatay askaritaasi Towxiidka loogu qabtay qeybo ka mid ah wilaayada Jubbooyinka’waxeyna askartaasi carabaabeen iney si aad ah ugu faraxsanyihiin Towbada Allaah uu waafajiyay iyo iney kusoo biiraan safka Muslimiinta.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta.
Calamada.com