Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa gudaha u galay deegaanka Mashalaay ee dhaca duleedka degmada Qoryooley ee wilaayada shabeellaha hoose.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa gudaha u galay deegaanka Mashalaay ee wilaayada shabeellaha hoose ka dib markii gabi ahaan deegaankaasi ay faaurijiyeen ciidamada kuffaarta Afrikaanta ee saldhigga ku lahaa deegaankaas.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ah ayaa xaqiijinaya in ciidamada Amisom ay gabi ahaan faarujiyeen deegaanka ka dib markii ay lasoo gudboonaatay xaalado amni xumi iyo weerarada jihaadiyiinta xarakada Al-shabaab waxaana markiiba ay kuffaartu ka baxeen deegaanka gudaha u galay ciidamada Mujaahidiinta.
Mujaahidiinta ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka waxayna ku booriyeen dardar gelinta barashada diinta islamaka iyagoona uga digay inay ka agdhawaadaan xeryaha cadowga.
Deegaanka Mashalaay oo ah deegaan Istaraatiiji ah waxaa dib ugu soo laabtay maamulka islaamiga ah waxaana deegaanka ka dul babanaysa raayada rasuulka Allaah Scw.
Calamada.com