Deegaano dhanka bari uga beegan degmooyinka Mahadaay, Jowhar iyo Raaga Ceelle ee wilaayada Shabeelada dhexe ayey si buuxda ula wareegeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab kadib markii deegaanadaas ay isaga carareen askarta dowlada federaalka.
Maleeshiyaat murtadiinta oo uu horkacayay murtad ganaraal odowaa yuusuf raage ayaa gabi ahaan isaga cararay deegaanada Warciise, Qordheere iyo kuwoo kale oo ka tirsan shabeelada dhexe waxaana deegaanadaas si buuxda ula wareegay mujaahidiinta.
Bulshada ku dhaqan deegaanadaas oo la hadlay idaacadda islaamiga Andalus ayaa sheegay iney si aad ah ugu faraxsanyihiin la wareegidda mujaahidiinta ee dagaanadooda iyagoona ka sheekeeyay dhibaatooyinkii ay ku qabeen maleeshiyaatkii murtadiinta ee isaga cararay deegaanadaas.
Maalmo ka hor ayey aheed markii ciidamada Mujaahidiintu si buuxda ula wareegeen deegaanka Marin-gubaay oo hoostaga degmada Baraawe ee wilaayada shabeelada hoose kadib markii deegaankaas ay isaga carareen ciidamadii kufaarta Uganda oo muddo todoba sano ah duulaan ku joogay deegaankaas.
Calamada.com