Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey maanta si buuxda ula wareegeen deegaano hoostaga degmada matabaan oo ka tirsan wilaayada hiiraan ee bartamaha dalka soomaaliya.
Deegaanada Beer-gadiid iyo Bacda oo wada hoostaga degmada Matabaan ayey Shabaabul Mujaahidiin dagaal la’aan la wareegeen, Iyadoona maleeshiyaatkii Hirshabeelle ee deegaanadaas ku sugnaa ay isaga carareen kadib markii mujaahidiintu gudaha soo galeen.
Bulshada deegaanada Beer-gadiid iyo Bacda ayaa si weyn usoo dhaweeyay la wareegidda mujaahidiinta ee labadaas deegaan, Waxeyna saraakiisha mujaahidiintu goob fagaara ah kala hadleen dadka ku dhaqan deegaanadaas.
Calamada.com