Warar faahfaahsan ayaa kasoo baxaya weeraro cagmarin ah oo ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin saaka oo Khamiis ah ka fuliyeen deegaanno dhaca wilaayada Sh/dhexe, halkaas oo khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay murtadiinta.
Deegaannada weerarada cagmarinta ah lagula jarmaaday waxay kala yihiin Daaru-nicma, Ceel Cali Axmed iyo sidoo kale deegaanka Cali-fooldheer oo dhammaantood ka tirsan wilaayada Sh/dhexe, waxayna ciidamada mujaahidiintu Allaah fadligiis si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaannadaas.
Wariyeyaal ka tirsan idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus oo fagaaraha dagaalka ku sugan ayaa soo tabiyay in lagu kala baxay deegaannadii weerarada xasminta ah saaka lagu ekeeyay, waxaana deegaannadaasi si buuxda gacanta ugu haya ciidamada Shabaabul Mujaahidiin, maleeshiyadii Riddada ayaana ka firxaday deegaannadaas.
Deegaannada saddexda ah ee laga saaray maleeshiyada murtadiinta waxaa daadsan maydad fara badan oo Riddada looga laayay dagaalladii saaka ka dhacay Daaru-nicma, Ceel Cali Axmed Iyo Cali fooldheere, wariye Liibaan Cabdi-raxmaan oo ka mid ah bahda Andalus ee ku sugan deegaanka Ceel Cali Axmed ayaa xaqiijiyay in weerarkii Ceeli Cali Axmed ka dhacay uu ku billowday camaliyaad Istish-haadi ah Allaah fadligiis na murtadiinta looga saaray degaanka, kana firxadeen, mujaahidiintuna ku daba jiraan firxadkooda.
Haddaba wixii kasoo kordha weerarada cagmarinta ah ee saaka mujaahidiintu ka fuliyeen Sh/dhexe, dib ayaa kasoo gudbin doonnaa insha’Allaah.