Wararka ka imaanaya wilaayada Sh/hoose waxey sheegayaan in ciidamada Uganda ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM ay isaga firxaddeen deegaanka Marin Gubaay oo qiyaasti 40KM ujira magaala xeebeeda Baraawe.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ay si nabad gelya ah kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka daqiiqado kadib markii ay ka baxeen ciidamada Kufaarta Afrikaanta.
Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa dhaq dhaqaaqa dib ugurashada ciidamada AMISOM laga dareemayay deegaanka Marin Gubaay oo muhiim u ahaa isku gudbinta sahayda ciidamada Uganda ee ku sugan Buulo Mareer iyo Baraawe.
Sanadihii lasoo dhaafay ayay dagaalyahannada Al Shabaab weeraro isugu jiray jidgal iyo qaraxyo ku hayeen ciidamada AMISOM ee ku sugan Marin Gubaay iyo Buula Mareer arrinkaas oo keenay in ay isaga baxaan deegaankan istiraatiijiga ah.