Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey si buuxda ula wareegeen deegaanka Gadoon oo dhaca bartamaha dalka soomaaliya.
Deegaankan mujaahidiintu ay la wareegeen ee gadoon waxa uu 35-KM u jiraa magaalada dhuusa mareeb ee gobalka galgaduud taasi oo xarun u ah maamul gobaleedka gaala raaca ah ee isku magacaabay galmudug.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaal la’aan ayey la wareegeen deegaanka, Iyadoona deegaanka ay isaga carareen maleeshiyaatkii galmudug ee horay ugu sugnaa.
Dadka deegaanka Gadoon ayaa isugu soo baxay wadooyinka iyagoona si weyn ugu farxay la wareegidda mujaahidiintu ay la wareegeen deegaankooda.
Maalmo ka hor ayey aheed markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la wareegeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada matabaan ee gobalka Hiiraan, Iyagoona gurmad caafimaad gaarsiiyay bulshada deegaanadaas.
Calamada.com