Wararka ka imaanaya wilaayada galgaduud ee bartamaha dalka soomaaliya waxey sheegayaan ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la wareegeen deegaan istiraatiiji ah.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey dagaal la’aan kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Maarso-Muunge ee u dhaxeeya deegaanada Baxdo iyo Xinllabi.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay arkeen ciidamo aad u hubaysan oo gudaha usii gelaya tuulada mana dhicin wax iska hor’imaad ah.
Deegaanka Marso Muunge ayaa qiyaastii 30Km ujira deegaanka Baxdo waxaana marta waddo isku xirta Mudug iyo Galguduud, isbuucii hore ayay aheyd markii ay dagaallo culus ka dhaceen deegaanka Cadakibir ee hoostaga degmada Cadaado.