Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey habeenkii xalay dagaal la’aan la wareegeen deegaan istiraatiiji ah oo dhaca wadada isku xirta degmooyinka dhuusa mareeb iyo guriceel ee wilaayada galgaduud.
Deegaanka ceeldheere ayay mujaahidiintu dagaal la’aan la wareegeen iyadoona maleeshiyaatkii murtadiinta ay isaga carareen deegaanka kadib markii mujaahidiintu gudaha usoo galeen.
La wareegidda mujaahidiinta ee deegaanka ceeldheere waxa uu kusoo aadayaa xilli labo maalin ka hor ciidamada shabaabul mujaahidiin dagaal la’aan la wareegeen degmada matabaan iyo deegaano hoostaga kuwaasi oo ku wada yaala wilaayada hiiraan ee bartamaha dalka soomaaliya.
Calamada.com