Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey maanta weerar bad gal ah u dhigeen kolanyo askarta dowlada federaalka ah kuwaasi oo dooman kula socdaalayay gudaha badda.
Weerarka bad galka ah waxa uu ka dhacay xeebta u dhaxeysa magaalooyinka muqdisho iyo marka gaar ahaan agagaarka deegaan xeebeedka dhanaane ee shabeelada hoose.
Dagaal u dhaxeeya ciidamada mujaahidiinta iyo kuwa kooxda ridada ayaa ka dhacay gudaha badda waxaana ugu dambeyntii dagaalkaas lagu jabiyay askarta dowlada federaalka.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ganiimeystay oo gacanta ku dhigay mid ka mid ah doomihii ay wateen maleeshiyaatka murtadiinta ee loo dhigay kamiinka bad galka ah.
Dhowr jeer sidaan oo kale waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weeraro kala duwan ka fuliyeen gudaha badda kuwaasi oo khasaara lagu gaarsiiyay cadowga Allaah.
Calamada.com