Ciidamada guutada madaafiicda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay howlgal qorsheysan oo madaafiic ah ku garaaceen xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee Kuffaarta duullaanka ah ay ku leeyihiin Soomaaliya.
Madaafiicda ayaa Allaah fadligiis ku dhacay gudaha Xalane waxaana uu dab qabsaday qaybo ka mid ah xeradaasi oo la xaqiijiyay in xalay ilaa saaka ay gubaneysay.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigyada maleeshiyaadka murtadiinta ee xaafadaha Mukayga iyo Haanta dheer ee degmada Afgooye.
Dhinaca kale ciidamada mujaahidiintu waxay qarax la beegsadeen kolonyo saliibiyiinta Kenya ah oo ka baxay magaalada Wargaduuda kuna sii jeeday dhanka degmada Ceel-qaalow ee ka tirsan gobolka Mandheera ee ku hoos jira gumaysiga saliibiyiinta Kenya.
Qaraxa ayaa haleelay oo gabi ahaan gubay gaari nooca mutabiishka ah, waxaa sidoo kale goobta dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii saliibiyiinta ahayd ee gaarigaasi la socotay.