Ciidamada wilaayada Islaamiga Sh/dhexe ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta mid kamida degmooyinka ugu muhiimsan wilaayadaasi.
Wararka ka imaanaya Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubaysan ay dagaal culus kadib lawareegeen degmada Mahadaay, boqolaal maleeshiyaad ah oo katirsanaa maamulka Taakta daran ee Hirshabelle ayaa magaalada isaga firxaday xilligii uu dagaalku socday.
ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in xoogaga jihaadiga ah ku roondanayaan dhammaan xaafadaha Mahadaay, maleeshiyaadkii laga itaal roonaaday ayaa aaday dhanka saldhigga ciidamada AMISOM ee kuyaal warshaddii hore ee hubka duleedka Mahadaay.
Degmada Mahadaay oo qiyaastii 23Km ujirta magaalada Jowhar ayaa kamid aheyd deegaanadii galay gacanta ciidamada shisheeye balse dhammaan tuulooyinka iyo deegaannada hoos yimaad waxaa ka jira maamullo islaami ah.
Ciidamada Burundi oo lagu naafeeyay dagaalka Sh/dhexe ayaa magaalooyinka waaweyn duleedyadooda saldhigyo ka sameystay mana awoodaan in ay saaxiibadooda Hirshabelle ka difaacaan weerarada uga imaanaya Jihaadiyiinta Soomaaliya.