Ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Sh/dhexe, ayaa maanta oo Jumco ah waxay gacanta ku dhigeen deegaan dhaca duleedka Al-kowthar oo Sh/dhexe ka tirsan, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad murtadiin ah.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamada mujaahidiintu dagaal kula wareegeen deegaanka Boos-caamir ee dhaca duleedka Al-kowthar ee Sh/dhexe, waxaana halkaas ka dhashay khasaare kala duwan oo la gaarsiiyay maleeshiyaada murtadiinta.
La wareegitaanka mujaahidiinta ee deegaankan ayaa yimid, kaddib markii lasoo xoreeyay ilaa 7 deegaan oo kale oo ka tirsan Sh/dhexe, kuwaas oo kala ah, Daaru-nicma, Al-kowthar, Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Ceel-baraf iyo Caadley, deegaanka Boos-caamir ayaa ku noqonaya deegaankii 8-aad oo Allaah fadligiis muddo kooban gudahood kusoo gala gacanta ciidamada mujaahidiinta.