Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa saaka weerar ku ekeeyay maleeshiyo murtadiin ah oo ku sugnaa deegaan hoostaga degmada Aadan-yabaal ee wilaayada Sh/dhexe, waxaana dagaalkan oo saaka dhacay ka dhashay khasaare kala duwan.
Ciidamada mujaahidiintu waxay Allaah fadligiis saaka dagaal kaddib la wareegeen gacan ku haynta deegaanka “Boos-hareeri” ee hoostagta degmada Aadan-Yabaal,maleeshiyaadkii Riddada ee halkaasi lagu weeraray na waxaa gaaray khasaare kala duwan.
La wareegitaanka ciidamada mujaahidiinta ee deegaankan ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada mujaahidiintu ay horumarro dhanka maamulka ah ka sameynayaan deegaannada wilaayada Sh/dhexe, waaliga wilaayada Sh/dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutukade ayaa waraysi gaar ah oo uu furinta hore ee dagaalka ku siiyay idaacadda islaamiga Al-andalus ku sheegay in mujaahidiintu xoreeyeen deegaanno badan oo ku dherersan dhul 200 oo Km ah oo ka tirsan Sh/dhexe.