Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen garoonka diyaaradaha degmada jowhar ee wilaayada shabeelada dhexe halkaas oo ay saldhig weyn ku leeyihiin askarta kufaarta burundi.
Mujaahidiintu waxey dhowr jiha ka weerareen garoonka waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Xilliga mujaahidiintu ay weerarayeen garoonka jowhar waxaa halkaas ku sugnaa saraakiil isugu jirta gaala caddaan,afrikaan iyo kuwa bangarafta ridada.
Si rasmi ah looma xaqiijin kara khasaaraha kufaarta iyo murtadiinta lagu gaarsiiyay dagaalka xalay jowhar ka dhacay, Waxa uu dagaalkaan kusoo aadayaa xilli qarax ka dhacay magaalada marka ee wilaayada shabeelada hoose lagu dhaawacay 2 askari oo ah kuwa nabadsugida dowlada federaalka.
Saacadihii lasoo dhaafay ayey sidoo kale aheed markii howlgal gaar ah oo mujaahidiintu ay ka fuliyeen degamda hilwaa ee magaalada muqdisho ay ku dileen askari ka tirsanaa milatariga federaalka kaasi oo ay ka ganiimeysteen qorigii uu ku hubeysnaa.
Calamada.com