Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan, ayaa caawa bixiyay waraysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda islaamiga Al-andalus, kaasi oo uu kaga warbixiyay dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedyada degmada Buulo-burte ee wilaayada Hiiraan, halkaas oo askar iyo saraakiil badan looga dilay maleeshiyaadka murtadiinta, halka kuwa kalena looga dhaawacay.
Dagaalladan oo ahaa kuwa culus oo kala dhacay maanta iyo shalay ayaa si wayn loogu jabiyay murtadiinta, waxayna tirada guud ee isku gaynta dhimasho iyo dhaawaca gaaray murtadiintu gaaraysaa 74 murtadiin ah sida saraakiisha ciidamada mujaahidiintu xaqiijiyeen, sidoo kale uu waraysiga ku faahfaahiyay waaliga wilaayada Hiiraan Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan.