Kadib kulan ballaaran oo ay odayaasha iyo waxgaradka beesha Abgaal ku yeesheen degmada Masaajid Cali Guduud ee gobolka Sh/dhexe ayay uga hadleen xaaladda dalka Soomaaliya.
Kulankan oo uu shir guddoominayay Imaamka Beesha Abgaal Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud ayaa lagu go’aamiyay in beeshu iska difaacdo duullaan walba oo dowladda Xasan Sheekh iyo ciidamada shisheeyaha AMISOM ay kusoo qaadaan deegaannada ay beeshu degto ee Sh/dhexe.
Waxgaradka iyo ganacsata beesha ayaa isla gartay in deegaannada Abgaal dego ay nabdoon yihiin sidaas daraadeed aan loo baahneyn in colaad laga huriyo.
Halkan Ka Dhageyso Hadallada Laga Jeediyay Kulanka Beesha Abgaal.