Ciidamada guutada qaraxyada Shabaabul Mujaahidiin ee ka jihaada Hiiraan, waxay howlgal qorsheysan oo qarax ah la beegsadeen sarkaal iyo maleeshiyo murtadiin ah oo ku socdaalayay duleedka degmada Buulo-burte ee Hiiraan.
Howlgalka qaraxa ayaa Allah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaanu si gaar ah kaga dhacay duleedka duleedka deegaanka Aboorreey, sarkaalka iyo askarta ayaa la beegsaday xilli ay lugeynayeen.
Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkan qorsheysan ee qaraxa ah ku dhintay hal sarkaal oo murtad ah, kaasoo lagu magacaabi jiray Suldaan Axmed Xuseen, halka sidoo kalena lagu dhaawacay 2 askari oo kale.