Howlgal qarax ah oo ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen deegaanka Masagawaay ee wilaayada Galgaduud, ayaa lagu beegsaday oo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa maleeshiyada Macawiisleyda Riddada, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdi Daahir Cismaan.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah ka fuliyeen gudaha degmada Luuq ee Gedo, kaasi oo lala eegtay maleeshiyaad murtadiin ah, waxaana halkaas ku dhintay ilaa 2 askari oo murtadiin ah.
Dhanka kale, faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaallo culus oo si wayn loogu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta oo ka dhacay deegaanka Beera-yabaal ee duleedka degmada Buulo-burte ee bariga wilaayada Hiiraan.
Khasaaraha dhimasho ee murtadiinta lagu gaarsiiyay dagaalladan ayaa gaaray ilaa 41 murtad oo isugu jiray saraakiil iyo askar, halka dhaawacana uu gaaray 45 kale oo murtadiin ah, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu gubeen gaari Noha ah oo ay wateen murtadiinta.