Faahfaahino dheeraad ah waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ku qaadeen saldhiga askarta kenya ee deegaanka Taabto ee wilaayada Jubbooyinka.
Dagaalkaas waxaa khasaara kala duwan lagu gaarsiiyay askarta saliibiyiinta kenya, Iyadoo dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay dhul ka fog deegaankaas.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaas lagu dilay hal sarkaal taliye hoorin kenyaati ah waxaana ku dhaawacmay afar askari oo isla saliibiyiinta kenya ah.
Dhanka kale waxey saaka ciidamada Mujaahidiintu dagaal qorsheysan ku qaadeen saldhiga murtadiinta ee deegaanka Baarka ee duleedka magaalada Kismaayo waxaa dagaalkaas ku dhaawacmay hal askari oo maleeshiyaatka jubbo land ah.
Calamada.com