Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta waxay maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqeen in mid ka mid ah xooggaga muqaawamada uu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Sahaayinda iyo saddex kale oo kale.
Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Telegram-ka kooxaha muqaawamada, ayaa lagu xaqiijiyay xubin ka tirsan xoogagga wax iska caabinta uu mindi ku khaarajiyay sarkaal sahyuuini ah iyo saddex askari oo kale, kuwaas oo xilliga la beegsanayay ku sugnaa mukhayamka Jabaaliya.
Dhanka kale, dad shacab ah ayaa ku shahiiday duqaymo wuxuushnimo ah oo ciidanka Yahuuddu maanta ka gaysteen madaaris kuyaal marinka Gaza, ilaa laba dugsi oo kuyaal xaafadda Tufaax ee marinka Gaza ayay duqaymo culus ka gaysteen ciidanka gumeystuhu, halkaas oo ay ku barakaceen kumannaan qof oo Falastiiniyiin ah.
Isbitaalka Macamdaani ee magaalada Gaza ayaa la geeyay tobannaan qof oo dhaawacyo kala duwan qaba, kadib markii duqaymaha cirka ah ee Yahuudda ay beegsadeen laba dugsi oo ay ku nool yihiin kumannaan barakacayaal ah, dhaawacyada ugu badan ayaa ah caruur iyo haween, iyadoo isbitaalku uu awoodi waayay in Uu qaabilo dhaawacyo badan sariiro lagu jiifiyo bukaanada iyo dawo la’aan jirta aawadeed.
Inta la hubiyay ugu yaraan 15 qof oo rayid Falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday duqaymaha cusub ee ciidamada maamulka gumeystaha Yahuuddu maanta ka gaysteen marinka Gaza.