Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar kooxo hubeysan ku qaadeen ciidamo ka tirsan booliska dowladda Kenya, kaasoo ka dhacay meel u dhow Moyale oo ah magaalo xuduudeed.
Ugu yaraan 1 sarkaal oo ka tirsanaa booliska saliibiyiinta Kenya ayaa la dilay halka la dhaawacay saddex oo 2 ka mid ah ay ka tirsan yihiin booliska, kaddib markii iska hor’imaadyo hubeysan oo toos ah iyo mid bam gacmeed ah lagu beegsaday bar ay ku sugnaayeen ciidanka booliska oo kutaal meel duleedka kaga beegan magaalada Mooyaale.
Saraakiisha booliska oo la hadlay warbaahinta Kenya, waxay shegeen in weerarkan uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Sessi oo dhowr Km u jira soohdin beenaadka ay la wadaagaan dhulka Soomaali galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Itoobiya.
Wargayska The Star waxa uu sheegay in ragga hubeysan ee weerarka qaaday ay la socdeen Mootooyin dheereeiya, waxayna mar qura rasaas oodda uga qaadeen barta Control ee ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka ee Kenya.
Booliska Kenya ayaa sheegay inuusan ogayn jihada rasmiga ah ee weerarka kaga yimid, waxayna muujiyeen in uu faraha ka baxay ammaanka ismaamulka Marsabit, ciidamada kala duwan ee la geeyay ismaamulkaasina u taag waayeen weerarada abaabulan ee lagu beegsanayo saraakiisha iyo ciidamada ammaanka.