Saraakiishii iyo masuuliyiinta murtadiinta ee lagu dhaawacay weeraradii cagmarinta ahaa ee saaka ciidamada mujaahidiintu ku ekeeyeen saldhigyada kooxda Riddada iyo kuwa Jubbaland ee saddex-da deegaan ee Buulo-xaaji, Harboole iyo Miido ayaa la geeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.
Dhaawacyada saraakiishan oo xaaladdooda wax looga qaban waayay magaalada Kismaayo, ayaa loola soo cararay dhanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana masuuliyiinta Riddada ee dhaawacyadooda oo culus Airport-ka Muqdisho laga dejiyay ka mid ah wasiirka Awqaafta ee maamulka Riddada Jubbaland, murtad Maxamed Yuusuf Cumar.
Murtadkan ayaa dhaawac halis ah uu kasoo gaaray weerar kamiin ah oo lagula eegtay isaga iyo qaar ka mid ah maleeshiyaad uu qatay oo gurmad u ahaa Buulo-xaaji, deegaanka Cabdalle Biroole ee ka tirsan deegaannada hoostaga magaalada Kismaayo.
Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday markii dhaawaciisa laga dejinayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa muujinayay dhaawaca culus ee gaaray wasiirkaasi, gaar ahaan burbur ka gaaray lugaha, wararka qaarna waxay sheegeen in uu lugaha ka go’ay.
Dhanka kale, taliyaha ciidanka kooxda Riddada Somalia murtad Ibraahim Muxiyadiin iyo taliyaha booliska Riddada ayaa cisbitaallada Muqdisho ku booqday dhaawacyada qaar ka mida saraakiisha Riddada ee maanta laga dejiyay garoonka caalamiga ah ee caasimadda.
Weeraradan cagmarinta ah waxaa Allaah fadligiis lagu dilay inka badan 71 murtadiin ah oo isugu jira askar iyo saraakiil ciidan, dhaawac intaas ka badan, waxaa sidoo kale murtadiinta laga qabtay maxaabiis dagaal oo hadda ku jira gacanta ciidanka mujaahidiinta, didoo kale waxay mujaahidiintu dagaalka kula wareegeen gaadiid, hub iyo saanad ciidan oo murtadiinta laga qaniimaystay.
Hoos ka daawo sawirrada dhaawaca murtad Maxamed Yuusuf.
Hoos ka daawo saraakiisha booqatay saraakiisha kale ee dhaawacantay.