Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro dhabbagal ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Ceelbarde ayaa sheegaya in halkaas qaraxyo lagula eegtay kolonyo ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 sarkaal miina baarayaal ah lagu dilay dhowr qarax oo ka dhacay wadada xiriirisa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalyahannada Al Shabaab ay weeraro jidgal ah udhigeen habqanka ciidamada Xabashida ee ku socdaalaya duleedka Ceelbarde si ay sahay ugasoo gudbistaan xuduud beenaadka.
Waa maalintii 5aad xiriir ah oo ay qaraxyo iyo weeraro dhabagal ah lakulmayaan ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gobolka Bakool.