Howlgalo qorsheysan oo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay ka kala fuliyeen qeybo ka mid ah wilaayaatka Banaadir,Shabeelada hoose iyo Shabeelada dhexe waxey ku dileen saraakiil iyo askar ka tirsanaa kooxda Ridada Soomaaliya.
Howlgalka hore oo ka dhacay Wilaayada Banaadir waxey ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen agagaarka hoteelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid waxeyna ku dileen askari ka tirsanaa dharcadka Ridada.
Dhanka Shabeelada hoose waxey ciidamada Mujaahidiintu degmada Afgooye ku dileen sarkaal Murtad ahaa kaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Shalow.
Gaba gabadii waxey howlgal qorsheysan oo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ka fuliyeen deegaanka Buurane ee Wilaayada Shabeelada dhexe ku dileen Labo askari Murtadiin ah kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Shiino iyo OK, Waxeyna Mujaahidiintu soo ganiimeysteen mooto oo ay la socdeen Labadaasi askari.
Calamada.com