Wararka ka imaanaya Wilaayada Baay iyo Bakool waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah Wilaayadaas uu ka dhacay qarax culus oo lala beegsaday kolanyo ka tirsan Kufaarta Xabashida Itoobiya.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay duleedka degmada Qansaxdheere, Waxaa dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaano badan oo degmadaas hoostaga.
Qaraxa ayaa haleelay gaari Uuraal ah isla goobta ayuu gaariga ku burburay, Sidoo kale waxaa qaraxa baqti iyo dhaawac ku noqday saraakiil miino baarayaal ah iyo askar kuwaasi oo wada ah Xabashida Itoobiya.
Weerarka qaraxa ah ee Xabashida Itoobiya lagula beegsaday duleedka degmada Qansaxdheere ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka kooxda Ridada ee degmada Qoryooley ee Wilaayada Shabeelada hoose.
Calamada.com