Wararka ka imaanaya gobalka Baay ee dhanka Konfur Galbeed Somaliya waxey sheegayaan in qarax culus lala beegsaday saraakiil iyo askar Itoobiyaan ah.
Qaraxa ayaa ka dhacay duleedka degmada Diinsoor oo ka mid ah goobaha Xabashida Itoobiya duulaanka kaga sugantahay gobalada Baay iyo Bakool.
Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa lagu dilay Afar Itoobiyaan ah oo ay ku jiraan saraakiil ku takhasustay qaraxyada iyo miino baarka.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor kamiino iyo qaraxyo Xabashida Itoobiya looga gubay gaadiid loogana dilay askar fara badan ay ka dhaceen wadada isku xirta Baydhabo iyo Waajid ee Baay iyo Bakool.
Calamada.com