Howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen duleedka deegaanka Qeycad ee wilaayada Mudug ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen saraakiil iyo maleeshiyaad murtadiin ah, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen saraakiil iyo maleeshiyo murtadiin ah.
Howlgalka ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana Allaah fadligiis ku dhintay sarkaal ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Bashiir Madoobe, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo murtadiin ah sida ay saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta u xaqiijiyeen idaacadda islaamiga Al-andalus.
Saraakiisha ku dhaawacmay howlgalkan barakaysan ee qaraxa ah waxaa ka mid ah sarkaal murtad ah oo la oran jiray Sheekeeye, kaasoo dhaawaciisa lagu sheegay in uu yahay mid culus oo garaab ah.