Wararka ka imaanaya deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan kooxda Riddada ee uu madaxa u yahay murtad Xassan Gurguurte ay weerareen masuuliyiin ka tirsan maamulka uu hoggaamiyo murtad Laftagareen.
Murtad Cabdalla Asad oo ah guddoomiyaha maamulka ashahaada la dirirka ah ee Koonfur galbeed ugu magacaaban deegaanka Jaziira ayaa sheegay in ay weerar kala kulmeen saraakiil murtadiin ah oo daacad u ah Gurguurte, kuwaas oo kusoo weeraray hoy ay ka deganaayeen deegaankaasi.
Ninkan ayaa sheegay in mid ka mid ah saraakiishaasi oo ahaa taliyaha waxay ugu yeeraan maleeshiyaadka Riddada ee Boolis Milataaro uu weerarka ay soo qaadeen uu la xiriiro ka hortagga abaabul ka dhan ah Villa Somalia oo iyaga lagu eedeeyay, balse wuxuu sheegay in aysan jirin abaabulkaasi, weerarka lagu soo qaadayna uu ahaa mid ku talagal ah oo la doonayay in isaga lagu khaarajiyo.
Wuxuu sheegay in sarkaalkaasi iyo laba sarkaal kale iyo maleeshiyo kale oo watay ilaa saddex Cabdibile ay soo weerareen hoygooda, halkaas na ay ku dileen in mid ka mid ah istaafkiisa iyo walaalkiisa, sida uu sheegay murtad Cabdalla Asad oo maamulka Laftagareen ugu magacaaban guddoomiyaha deegaanka Jaziira.
Weerarka maanta ka dhacay deegaanka Jaziira ee lagu eedeeyay saraakiisha daacadda u ah kooxda murtad Xassan Gurguurte, ayaa kusoo beegmaya xilli bishii September 2024-kii uu Xassan Gurguurte siyaasiyiinta mucaaradka ah ugu goodiyay in uusan ka aqbali doonin hub uruursi isaga ka dhan ah oo ay sameeyaan, uuna weerari doono goob kasta oo ay tuhmaan inay mucaaradku isku abaabulayaan.
Sidoo kale bishii lasoo dhaafay y ee January ayay ahayd markii war kasoo baxay taliska booliska kooxda Riddada Somalia lagu amray in mucaaradka aysan hubka culus ku dhex wadan karin Muqdisho.