Wiil dhalinyaro muslim ah ayaa howlgal guulaystay ka fuliyay wadanka Sweden ee qaaradda Yurub halkaas oo uu ku khaarijiyay mid kamida mujrimiinta godobta ka galay islaamka iyo ehelkiisa.
Wararka ka imaanaya Sweden ayaa sheegaya in ladilay gaalkii kitaabka Qur’aanka gubay ee lagu magacaabi jiray Salwaan Mumika, booliska dowladda Sweden ayaa xaqiijiyay in gaalka ladilay meydkiisana laga helay guri uu deganaa.
Sida ay tilmaamayaan wararka hordhaca ah ruux hubaysan ayaa Salwaan Mumika madaxa ka toogtay xilli uu si Live ah ugu jiray Tiktok, qofka howlgalka fuliyay ayaa gaalka ku jebiyay dariishadda qolkii uu deganaa.
Salwaan Mumika oo ahaa Nasraani kasoo jeeda dalka Ciraaq ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay fagaarayaal kuyaal dalka Sweden ku gubayay Musxafka Qur’aanka Kariimka waxaana falkaas ka carooday umadda milyaarka muslimka ah.