Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay tiro madaafiic ah lagu garaacay saldhiga Bagaram oo ah saldhiga ugu weyn ciidamada Nasaarada Mareykanka ee ku duulay dalka Afghanistan ay ka sameysteen gudaha dalkaasi.
Sladhiga Milatariga Cirka ee Bagaram waxa uu ku yaalaa duleedka magaalada Kaabul ee gobalka Kaabul’waxaa saldhigaasi xarun ka sameysteen ciidamada Nasaarada Mareykanka kuwaasi oo dalkaasi Afghanistan ku duulay 16 sano ka hor.
Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid afhayeenka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay in guutada madaafiicda ciidamada Mujaahidiinta ee Imaarada ay dhowr madfac ku garaaceen saldhigaasi.
Afhayeenka ayaa intaasi raaciyay iney jiraan khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo Nasaarada Mareykanka lagu gaarsiiyay madaafiicdaasi lagu garaacay saldhiga Bagaram.
Halkan Ka Akhriso Qoraalka Sheekh Dabiixullaahi.
Calamada.com