Wararka ka imaanaya waddanka Mareykanka ayaa sheegaya in magaalada New York uu ka dhacay weerar toogasho ah oo sababay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.
Sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka ruux hubeysan ayaa rasaas huwiyey dad Ameerikaan ah oo ku sugan xaafadda Bronx ee magaalada New York, taasoo dhalisay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca mid kale.
Sarkaal ka tirsan waaxda Police-ka ee New York ayaa warfideyeenada la wadaagay in nin hubeysan uu si arxan daro ah oo aan kala sooc laheyn u rasaaseyey dad taagnaa afaafka hore ee xarun laga tukaameesto.
Weerarkaan ayaa ku soo aadaya xili saacadihii lasoo dhaafay Police-ka Mareykanka ay shaaciyeen inay baadigoob ku hayaan nin hubeysan oo wajiga qarsaday, kaas oo sagaal cisho gudahood shan weerar oo kala duwan ka geystay magaalooyinka Washington iyo New York.