Ciidanka mujaahidiintu waxay maanta ilaa 3 qarax la beegsadeen kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ku socdaalayay inta u dhaxeeysa degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur oo ka tirsan wilaayada Bakool, kuwaasi oo kusii jeeday degmada Xudur.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa soo sheegay in qaraxyadaaasi lagu gubay qaar ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada xabashida Itoobiya, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac fara badan, goobta ay qaraxyadu ka dhaceen waxaa soo caga dhigatay 2 diyaaradood oo Helicopter ah, kuwaasi oo goobta ka qaaday maydadka iyo dhaawaca xabashida Itoobiya.
Dhanka kale ciidamada mujaahidiinta waxay maanta la wareegeen dhammaan deegaanada hoos yimaada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaasi oo dhawaan ay duullaan kusoo qaadeen murtadiinta, illaa 7 deegaan ayay si buuxda ula wareegeen mujaahidiinta, kuwaas oo kala ah Sanadhaqo, Labidulle, Dhabana-dhulkuheys, Geed-timir, Gunsur, Gal-qoryaalle, Bulacle, maleeshiyaadkii Riddada ee isaga cararay deegannadaas ayaa dib ugu laabtay Dhuusamareeb, oo ah halka markii hore ay kasoo duuleen.