Ciidamada mujaahidiintu waxay howlgal qaraxyo ah la beegsadeen gaadiid ciidan oo ay wateen ciidamada kuffaarta Kenya, kuwaas oo ku socdaalayay qaybo ka mid ah gobolka Mandheera oo ka mid ah dhulalka muslimiinta NFD ee ay xoogga ku haysato dowladda saliibiyadda ah ee Kenya.
Qaraxa 1-aad waxay ciidamada mujaahidiintu la beegsadeen gaari nooca Kooyalka ah oo ay wateen ciidamada Kenya, kaasi oo ku socdaalayay inta u dhexayso degaannada Jabbi iyo Bambo oo ka wada tirsan gobolka Mandheera, qaraxa ayaa burburiyay gaariga kooyalka ah, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dhamaan askartii la socotay.
Qaraxa labaad oo ahaa mid xooggan waxay mujaahidiintu la beegsadeen gaari Tow ah oo ay wateen kuffaarta Kenya, kaasi oo marayay inta u dhexaysa deegaannada Warguduudo iyo Ceelqaalow ee gobalka Mandheera, ciidankii Kenya ee la socday Towga ayaa u qaybsamay dhimasho iyo dhaawac ah, gaarigiina goobta ayuu ku burburay.