Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta barqadii ka dhacay meel ku dhow xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ka dhax kacay gaari nuuca raaxada ah oo uu watay sarkaal katirsan ciidamada Booliska dowladda ayaa dhaliyay khasaare dhimasho ah.
Goob joogayaal ayaa sheegay in jugta qarax aad u xooggan laga maqlay dhabarka dambe ee Hotelka Muna ee degmada Xamarweyne oo ah goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhintay sarkaal sare oo booliska DF katirsan kaas oo magaciisa lagusoo gaabiyay Jaabir.
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan “Mujaahidiinta ayaa degmada Xamarweyne ku dilay sarkaal katirsan booliska kooxda Ridada Soomaaliya xilli uu ku sugnaa degmada Xamarweyne” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.