Wararka ka imaanaya degmada Libooye Kenya oo ka mid ah dhulka Kenya xooga kaga heysata Somaliya waxey sheegayaan in qarax culus lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Nasaarada Kenya oo ku socdaalayay duleedka degmadaasi.
Qaraxa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Cabdi Cali oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Libooye.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in qaraxaasi lagu burburiyay gaari nooca Kooyalka ah,sidoo kale waxaa qaraxaasi baqti iyo dhaawac ku noqday gabi ahaan askartii la socotay gaariga ay miinada haleeshay.
Maalmo ka hor ayeey aheed markii ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin weerar dhabba gal ah ay u dhigeen kolanyo Kenyaati ah oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah Jaziirada Lamu kaasi oo ciidamada Mujaahidiinta ay ku dileen Shan askari oo Nasaarada Kenya ah kuna gubeen hal gaari waxeyna sidoo kale Shabaabul Mujaahidiin kamiinkaasi kusoo qabsadeen labo gaari oo ay la haayeen kolanyada Nasaraada ee weerarka dhabba galka ah loo dhigay.
Calamada.com