Wararka ka imaanaya Wilaayada Gedo ee Konfurta dalka Somalia waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi uu ka dhacay qarax culus oo lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Xabashida Itoobiya.
Kolanyada Amxaarada ee qaraxa lala beegsaday ayaa ka baxay degmada Luuq waxeyna sahay u wadeen askarta Xabashida Itoobiya ee ku go’doonsan deegaanka Yurkut oo ku yaala halka ay iska galaan Baay iyo Gedo.
Qaraxa ayaa haleeyay gaari Xamuul ah oo ay la socdeen askar fara badan oo Itoobiyaan ah,dhawaaqa qaraxa waxaa laga maqlay deegaano badan oo u dhaxeeya degmada Luuq iyo deegaanka Yurkut.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday ugu yaraan (40) Afartan askari oo Xabashida Itoobiya ah.
Qaraxan waxa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Xabashida Itoobiya oo qeyb ka ah gaalada kusoo duushay dalka Somaliya.
Calamada.com