Ciidamada guutada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay qarax la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan Kuffaarta Afrikaanta oo ku socdaalayay agagaarka deegaanka Cadow Dibille ee hoostaga degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose.
Qaraxa ayaa Allaah fadligiis si gaar ah u haleelay mid ka mid ah gaadiidkii kolonyada saliibiyiinta isla goobta ayuuna ku basbeelay, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamadii la socday baabuurka la qarxiyay ee kuffaartu wateen.
Isla Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhiga ciidamada Kuffaarta Afrikaanta ay kaga suganyihiin garoonka diyaaradaha ee degmada Baraawe, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.