Howlgal qorsheysan oo qarax ah ayay maanta ciidanka guutada qaraxyada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada islaamiga Hiiraan ee dhacda bartamaha Soomaaliya ka fuliyeen gudaha magaalada Beledweyne, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyo murtadiin ah.
Qaraxa ayaa si gaar ah kaga dhacay controlka Guufaale ee magaalada Beladweyne, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad Riddada ka tirsan, waxaa la xaqiijiyay in uu jiro khasaare gaaray askarta Riddada.
Howlgalkan qorsheysan ee maanta ka dhacay Beledweyne ayaa kusoo beegmaya iyadoo saacadihii lasoo dhaafay howlal qarax ah mujaahidiintu ka fuliyeen isla magaalada Beledweyne, kaasi oo ay ku beegsadeen xerada maleeshiyada murtadiinta ee galbeedka magaaladaasi, halkaas oo khasaare lagu gaarsiiyay murtadiinta.