Warar dheeraad ah waxaa laga helay weerar hubaysan oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta u ah gobolka Bari ee dalka Soomaaliya.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta duhurkii Boosaaso ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada booliska maamulka isku magacaabay ‘Puntland’.
Barkhad Guduudane Buryar oo horay usoo noqday taliyaha Koontaroolka magaalada Boosaaso ayaa ku dhintay weerar qorshaysan sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.
Sarkaalkan ladilay ayaa caan ka ahaa Boosaaso wuxuuna dhibaata ugeysan jiray dadka Musaafurka ah ee isaga kala gudbo xarunta gobolka Bari iyo magaalooyinka kale ee gobolka.
Dhanka kale Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qarax galabta ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, kaas oo lala eegtay goob ay fadhiyeen saraakiil ka tirsan maamulkaasi.
Qaraxan oo ahaa mid jugtiisa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah magaalada ayaa waxaa ku dhintay Sargaal lagu magacaabo Maxamed Baxwal oo ka tirsanaa saraakiisha maamulkaasi.
Sidoo kale waxaa Qaraxaasi ku dhaawacmay 3 sarkaal oo kale oo uu ku jiray Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Gobolka Bari, Axmed Jaraale, kaasi oo la xaqiijiyay in dhaawiciisa uu garaab yahay.