Wararka laga helayo degmada Ceelwaaq-kenya oo ka mid ah dhulka dowlada Nasaarada Kenya xooga kaga heysata Somaliya waxey sheegayaan in duleedka degmadaasi qarax lagula beegsaday kolanyo Kenyaati ah.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxey la kacday gaari nooca Kooyalka oo ka mid ahaa gaadiidka ay wateen kolanyada ciidamada Nasaarada Kenya ee qaraxa lagula beegsaday duleedka degmadaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in gabi ahaan miinada ay burburisay gaariga waxaa sidoo kale halkaasi ku baqtiyay askartii Kenyaatiga ee gaariga la socotay.
Kolanyadan qaraxa lala beegsaday ayaa kasoo baxay deegaanka Ceel-raam waxeyna ku sii jeedeen dhanka degmada Ceel-waaq waxeyna wararka laga helayo deegaanka Ceel-raam sheegayaan in sidoo kale tiro madaafiic ah lagu garaacay difaacyada ciidamada Kenya ee deegaankaasi.
Calamada.com
Kiinyaay waxaad doonaysiyo damici beenowye
Durduradiyo road kaad wadeen laysu dacareeye
Dalkayagu inuu baylahayey doqomni moodaaye
Daansogii eeday iyo dawlad baan ahaaye
Dhiigayaga nin kii daadiyaa waa dilay naaye
Damaashaadki iyo faanki iyo damici beenowye