Ciidamada guutada qaraxyada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud, waxay howlgal qorsheysan oo qarax ah maanta ka fuliyeen deegaanka Masagawaay ee dhaca duleedka degmada Ceeldheer, halkaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen maleeshiyada uu Maraykanku tabobaro ee Danab loo yaqaan.
Qaraxa ayaa si gaar ah u beegsaday laguna gubay gaari Cabdi bile ah oo ay wateen maleeshiyada Ridada Bangaraafta, waxaana sidoo kale howlgalkaasi ku dhintay hal askari oo murtad ah , halka lagu dhaawacay ilaa lix kale oo askar ah.
Howlgalkaan qaraxa ah ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallo culus oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay duleedka degmada Buulo-burte ee wilaayada Hiiraan una dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaad murtadiin ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ilaa 74 murtadiin ah oo isugu jiray saraakiil iyo askar, halka lagu gaari gaari Cabdibile ah oo uu lahaa murtad Cali Jayte, sidoo kalena lagu qabsaday gaari Noha ah iyo hub kala duwan.