Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in qarax saraakiil sarsare lagu beegsaday uu ka dhacay deegaan hoos taga degmada Wanllaweyn.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in qarax aad uxoggan lagu beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan Maleeshiyaadka Bangaraafta ee Mareykanku ku tababaray saldhigga Balidoogle.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in qaraxa oo ka dhacay deegaanka Tixsiile uu haleelay gaari Cabdi Bile ah waxaana inta la hubo ku dhintay illaa 4 askari halka ay ku dhaawacmeen saraakiil sarsare.
“Mujaahidiinta ayaa deegaanka Tixsiile qarax kula beegsaday gaari ay la socdeen Maleeshiyaadka Murtadiinta ee Mareykanku tababaray, xogta hordhaca ah waxay xaqiijinaysaa dhimashada 4 Askari halka uu dhaawacyo garaab ah soo gaareen saraakiil uu kamid yahay taliyaha waxa loogu yeero Danab oo lagu magacaabo Beer Yare” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Wararka ayaa intaas ku daraya in saraakiisha dhaawacmay uu kamid yahay taliyaha guutada 6aad ee ciidamada dowladda Federaalka, qaraxan ayaa yimid xilli ciidamada Mareykanka ay dhaq dhaqaaq melleteri oo dib ugurasho ah ka wadaan garoonka Balidoogle.