Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay galabta howlgal qarax ah ka fuliyeen inta u dhaxeeysa Balcad iyo Qalimow oo ka tirsan Sh/dhexe, kaasi oo lala eegtay maleeshiyaad murtadiin ah oo lugeynayey, waxaana qaraxaasi ku dhintay 1 askari oo murtad ah, 4 kalana waa ay ku dhaawacmeen.
Dhanka Bakool, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen Airport-ka degmada Waajid oo saldhig u ah ciidamada kuffaarta xabashida Itoobiya.
Waxaa xusid mudan in xilliga weerarka uu dhacayay ay Airport-ka ku sugneyd diyaarad dooneysay iney halkaasi ka qaado saraakiil murtadiin ah, markii dagaalka uu billowday ayay diyaaradda si degdeg ah garoonka kaga duushay.