Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xoog leh oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deg Wanlawayn ee gobolka shabeellaha hoose.
Qaraxa oo jugtiisa si wayn looga maqlay goobaha fog fog ayay Mujaahidiintu degmada Wanlawayn kula beegsadeen maleeshiyaadka dowladda Ridada Farmaajo, waxaana qaraxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac leh.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu galaaftay nolosha 4 askari oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii la beegsaday iyo dhaawaca 3 kale.
Qaraxan wuxuu kusoo beegmay wakhti saacadihii lasoo dhaafay qarax xooggan oo ka dhacay agagaarka deegaanka Tixsiile ee duleedka Wanlawayn lagu dilay sarkaal caddaan ah iyo 4 askari oo ka mid ahaa maleeshiyaadka Ridada baangaraafta, waxaana sidoo kale qaraxaas dhaawacyo garaab ah ku noqday taliyaha maleeshiyaadka Danab iyo taliyaha guutada 6-aad ee maleeshiyaadka kooxda Ridada Farmaajo.
Dhanka kale waxay Mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay weeraren saldhigyada ciidanka kuffaarta Kenya iyo maleeshiyaadka Ridada ay ka samaysteen deeganano ka tirsan gobollada Jubbooyinka.
Ciidamo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa weeraradan ku qaaday saldhigyada kuffaarta Kenya iyo maleeshiyaadka Ridada ay ka samaysteen Cabdlla Biroole iyo Baarsanguuni, waxaana weeraradaas ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray cadowga Kenya iyo maleeshiyaada Ridada.
Calamada.com